957 Views

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadley dagaalka Guriceel maalmo kadib

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadley dagaalka Guriceel maalmo kadib
____________________________________________________________________________

 

Talaado: October 26, 2021

Madaxweynaha maamul goboleedka GalMudug ee Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye ”Qoor Qoor” ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado dagaalka ka socda magaalada Guriceel, isagoo ku eedeeyey mas’uuliyada dagaalkaasi ururka Ahlu Sunnah.

Wuxuu tilmaamey in ururka Ahlu Sunnah, ay u isticmaaleen magacani si aan sax aheyn, oo magacani ay wada leeyihiin ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wuxuu sheegay iney gargaar u fidinayaan dadka ay dhibaatada kasoo gaartey dagaalka Guriceel.

Wuxuu ka codsadey jaaliyadaha dibadda ee reer GalMudug iney lasoo gaaraan gargaar deg deg ah dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda magaalada Guriceel.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post