1440 Views

War deg deg ah: Taalibaan oo gudaha u gashay caasimadda Afghanistaan ee kaabul

War deg deg ah: Taalibaan oo gudaha u gashay caasimadda Afghanistaan ee kaabul
____________________________________________________________________________

 

Axad: August 15, 2021

Waxaa jira warar sheegaya in Ururka Taalibaan ay gudaha u gashay caasimadda Afghanistaan.

Ururka Taalibaan ayaa horay qarka u saaranaa inuu dib ula wareego gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan, xilli magaalada caasimadda ah ee Kabul ay haatan tahay magaalada kaliya ee wayn ee ay dowladdu maamusho.

Qabshada Jalalabad iyadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kabul ka dhigaysaa magaalada kaliya ee wayn ee ay weli dowladdu gacanta ku hayso.

Waxa ay daba socotay markii Sabtidii ay ciidammada dowladda kala wareegeen magaalada waqooyiga ku taal ee Mazar-i-Sharif.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post