1350 Views

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Is Casilay

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Is Casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 12, 2019 – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xilka uu iska casilay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha Warqadiisa is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,i.nkastoo weli aan laga aqbalin.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda  arrinkaasi ay ka gaabsatay

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment