1158 Views

SAWIRO:-Qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Kismaayo oo kusoo laabtay Muqdisho

SAWIRO:-Qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Kismaayo oo kusoo laabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta dib ugu soo laabtay qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Magaalada Kismaayo ee ka qeyb-galay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

 

Xubnahaan ayaa intii ay ku sugnaayeen Kismaayo ka sokow xafladii Caleema saarka,waxaa ay sidoo kale ka qeyb galeen kulamo gaar gaar ah oo looga hadlay Arrimo siyaasadeed iyo xaalada dalka.

 

Kulamada ayaa intii ay socdeen waxaa ay sheegeen qaarkood in xilligaan xaalada dalka ay tahay mid liidato,isla markaana u baahan in wax laga qabto, iyaga oo eedeyn u jeediyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Magaalada Kismaayo waxaa weli ku sugan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed,kuwaas oo la filayo inay dib ugu laabtaan halki ay ka yimaadeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment