1707 Views

Madaxweynaha Jubaland Oo Ku Dhawaaqay Kulan Deg Deg Ah

Madaxweynaha Jubaland Oo Ku Dhawaaqay Kulan Deg Deg Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Wasaaradaha amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada.

Shirkaan ayuu sheegay in Jubbaland ay martigelineyso,isla markaana lagu qabanayo Magalada Kismaayo,inta badana looga hadli doono dib u dhiska Ciidamada isku-dhafka ah ee dhawaan lagu go’aamiyay Shirkii Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada.

Shir Jaraa’id oo uu Magalada Kismaayo ku qabatay Axmed Madoobe ayuu sheegay in qorshaha shirkaas ka soo bixi doono uu yahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Dowlad Goboleedyada.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Kismaayo ay gaaraan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad goboleedyada,Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxaana ka qyeb geli doonin wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle oo heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment