504 Views

Lix qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Meel u dhow Caasimadda Dalka Mali.

Lix qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Meel u dhow Caasimadda Dalka Mali.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Dalka Maali ayaa Jimcihii looga dhawaaqay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ciidanku ku leeyihiin duleedka magaalada caasimadda ah ee Bamako, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 6 qof, qaar kalena ay ku dhaawaceen.

Arrintan ayaa sare u qaadaysa cabsida laga qabo weerarrada kaimanaya kooxaha xagjirka ah ee ka dhanka ah caasimadda.

Falkaan ayaa yimid saacado uun kadib markii Masar ay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah kala baxday dalka Mali barta Zantegila” ayuu yiri Amadou Sango, oo ah afhayeenka wasaaradda amniga iyo ilaalinta rayidka Mali, barta kontoroolka ayaa ku dhawaad 60-KM u jirta Bamako.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse waxa uu wataa astaamaha kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, ee loo yaqaan “Nusrat al-Islam wa al-Muslimin” oo dhowr jeer weeraro kale ka geysatay agagaarka magaalada Bamako.

Mali ayaa tan iyo sanadkii 2012 la tacaaleysay sidii ay u xakameyn lahayd fallaagada xagjirka ah.

Jabhadda xagjirka ah ayaa lagu qasbay in ay ka tanaasusho awooddii ay ku lahayd magaalooyinka woqooyiga dalkaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post