384 Views

Wadaad Hindu ah oo xagjir ah oo lagu toogtay waqooy galbeed dalka Hindiya.

Wadaad Hindu ah oo xagjir ah oo  lagu toogtay waqooy galbeed dalka Hindiya.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Wadaad Hindu ah oo xagjir ah ayaa lagu toogtay waqooy galbeed dalka Hindiya.

Wadaadkan oo lagu magacaabi jiray Sudhir Suri, ayaa la dilay xilli uu ka qeybgalayay dibadbax ka dhacay degmada Amritsar- oo uu ku yaalla macbadka caanka ah ay booqdaan dadka aaminsan diinta Sikh.

Sudhir Suri, wuxuu isku magaacabay wadaadka hoggaaminayay koox diimeedka Hindu Shiv Sena.

Nin dukaan ku leh deegaanka oo lala xiriiriyay dilka ayaa la xiray, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Taliyaha booliska gobolka Bunjba ayaa sheegay in su’aalo la weydinayo ninka lagu tuhmayo in uu dilay wadaadka.

Dadka aaminsan diinta Sikh ee ku nool Hindiya iyo dibadda ayaa ka cabanayay hadallada xanafta leh ee uu jeedin jiray Sudhir Suri, kadib markii uu wax ka sheegay diintooda.

  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post