1833 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay U Qaabishan Arrimaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay U Qaabishan Arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 04, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta qorshayaasha qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxa aan rajaynayaa in aan wadajir uga shaqayno qorshayaasha qaran”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom usoo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, waxa uuna bedelay ergaygii hore, Michael Keating oo dalka ka howl gelayay laga soo billaabo 2016.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment