909 Views

Madaxweyne Museveni oo wacad ku maray in uu ka jawaabi doono Weerarkii wasiirka gaadiidka

Madaxweyne   Museveni oo wacad ku maray in uu ka jawaabi doono   Weerarkii wasiirka gaadiidka
____________________________________________________________________________

June 1 2021

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ka jawaabey dhaawaca wasiirka gaadiidka iyo taliyihii hore, ee General Katumba Wamala, iyo dilka gabadhiisa.

Museveni ayaa barta twitter-ka uu ku leeyahay wuxuu ugga goodiyey kuwii geystay dilka, isagoo ku tilmaamay “doofaarro”, wuxuuna balan qaadey in laga adkaan doono.

Wuxuu u tacsiyeeyey madaxweynaha qoyska General Wamala, isagoo intaa raaciyey in isagu qudhiisa uu kula hadley taleefanka.

Wuxuu intaa ku darey Museveni in hannaanka cusub ee ilaalinta magaalada ay baabi’in doonto isticmaalka mootooyinka lagu geysto dilalka iyo danbiyada.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in ilaalada jeneraalka aaney aheyn in xabadaha ay cirka u ridaan, balse ay wanaag sanaanayd inay si toos ah u toogtaan kuwii weerarka geystay. Waxaa soo gaarey jeneraalka dhaawac gacanta ah, wuxuuna wali ku jiraa isbitaalka

Jeneraalka ayaa waxaa weerarey niman aan la garanaynin aroortii hore ee Talaadada. Sidoo kale, darawalkii jeneraalka ayaa ku dhintey weerarka.

Afhayeenka ciidanka ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay baarayaan taleefanadii uggu danbeeyey ee soo wacay jeneraalka, kuwaasoo u eg kuwo qeyb ka ah qorshaha isku dayga qaarijinta jeneraalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post