216 Views

War deg deg ah: Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo goor dhawayd oo caawa ah xilka iska

War  deg deg ah: Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo goor dhawayd oo  caawa ah  xilka iska
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa xilka iska casilay, isagoo xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen.

“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed.

Sidoo kale Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas.

“Inta uusan weerarkaan dhicin habeen ka hor ayaan aniga, Suldaanka beesheyda iyo xildhibaanka DF nagu metela waxaan u tagnay Madaxweyne Laftagareen, waxaana u sheegnay in dhibaato badan aan tabaneyno oo dhalinyaradaas in la weeraro aanaa raali ka noqon Karin, balan ayaan lasoo galnay madaxweynaha, kadibna gadaasheena inta laga wareegay ayaa dhalinyaradii la weeraray, qaar waa la laayey, qaarna dhaawac iyagoo ah ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri wasiir Ilyaas.

Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta reer K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post