849 Views

Muqdisho oo lagu aasay 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn

Muqdisho oo lagu aasay 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn
____________________________________________________________________________

Isniin: November 1, 2021

 magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay meydadka 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay ehellada dadkii la dilay.

Qaar ka mid ah Ehelada dadkii qaraabada ay  ahaayeen Marxuumiintaas ay laayeen Ciidamada Amisom bilo ka hor ayaa sheegay in ay ku aaseen maydka Codsi uga Yimid  Raisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur, oo ay sheegeen in uu ka balan qaaday in Amisom uu ka keenayo magtii.

Dadkaan oo ku jiray  Juwaano ayaa lagu uruuriyey maydadkooda  qaboojiye in ka badan laba bilood iyo 20 cisho, waxaana maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Ehellada dadka maanta la aasay ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaa wasiirka amniga Cabduallahi Maxamed Nuur uu ka codsaday inay meydadka la’aaso, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Sidoo kale Waxay sheegeen in wasiirka amiga uu ka balan qaaday in mudo seddax maalmood gudahood ah uu jawaab cad ku soo siin doono, waxayna wacad ku mareen hadii 3-daas maalmood aan lagu soo jawaab celin, inay dagaalami doonaan oo AMISOM ay ka aar guda doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post