330 Views

Qareenada Trump ma rabaan in FBI-du ay dib u eegto waraaqihii sirta ahaa ee laga helay guriga Trump

Qareenada Trump ma rabaan in FBI-du ay dib u eegto waraaqihii sirta ahaa ee laga helay guriga Trump
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

 Qareenada u doodaya madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii maanta ahayd sheegay inay ka soo horjeedaan in loo ogolaado Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dib u eegis ku samayso, in ka badan 100 waraaqood oo sir dawladeed ahaa oo laga soo helay guriga Trump, xilligii ay baadhista ku sameeyeen hay’adda dembi-baadhista ee FBI-du.

Qareenada Madaxweyne Trump ayaa diidan in hay’adda FBI-du ay xogta laga helay guriga Trump ay u adeegsadaan baadhista ay wadaan, iyada oo arrimaha ay hay’addaasi baadhayso ay ku jiraan habka loo kaydiyey xogta sirta ah ee dawladda.

Hadalkan ka soo baxay qareenada Trump ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii toddobaadkii hore ay dacwad oogayaasha Federaalku ay ka codsadeen garsoore heer Federaal ah inuu laalo go’aankii hore ee mamnuucayey in xogta laga soo helay guriga Trump in loo adeegsado baadhista iyo in la magcaabo khabiir si gaar ah u qiimeeha macluumaadka la soo ururiyey.

Garsoore Aileen Cannod ayaa qareenada madaxweyne Trump waxay siisay illaa Isniinta inay kaga soo jawaabaan codsiga dacwad oogayaasha.

Xaakin Maraykan ah oo ogolaaday in ‘Khabiir’ gaar ahi uu dib u eego xogtii ay FBI-du ka soo ururisay guriga Trump

SIDEE DOODDAN MAXKAMADDU KU SOO BILAABANTAY?

Bishii August ee aynu soo dhaafnay ayaa saraakiil ka socda hay’adda FBI-da oo ogolaansho ka helay garsoore maxkamadeed, waxay baadhis ku sameeyeen guriga madaxweynihii hore ee Trump ee ku yaalla gobolka Florida, halkaas oo ay ka soo heleen macluumaad kala duwan oo ay ku jiraan waraaqo sir qaran ah.

Hay’adda FBI-da ayaa bilawday inay baadhis ku samayso, habka loo kaydiyey xogtaas iyo cidda aragtay iyo qodobo kale, hase ahaatee qareenada madaxweyne Trump ayaa ka soo horjeestay iyaga oo codsaday in la magcaabo khabiir gaar ah oo arrintan eega, lana hakiyo in hay’adda FBI ay baadhisteeda u isticmaasho xogta ay soo ururiyeen.

Toddobaadkii hore ayaa Garsoore Aileen waxay ogolaatay doodda Trump, iyada oo amartay in la magcaabo khabiir gaar ah isla markaana in hay’adda FBI-du ay hakiso inay macluumaadka la soo ururiyey ay u isticmaasho baadhisteeda.

Arrintaas waxaa dacwad ka qaatay Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka, waana qodobka haatan ka dhex socda maxkamadaha Maraykanka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post