954 Views

Dowladda oo sheegtay in la diyaariyey Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in la diyaariyey Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Horinta 2aad Ururka 4aad Guutada Kumaandooska Gor-gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho,waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Wasiirka Difaaca iyo saraakiil kale.

Ciidamadaan Kumaandooska oo ayaa in mudo ah tababar ugu maqnaa dalka turkiga halkaasi oo ay kusoo qaateen tababar noocyo badanleh islamarkaasna ah mid casri ah waxeeyna qayb kayihiin ciidamo loo diyaarinayo xoreeynta goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamadda ay qayb weyn ka qaadandoonaan sidii dalka looga saarilahaa Al-Shabaab,wuxuuna dowladda Turkiga kaga mahadceliyay tababarka ay soo siiyeen.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in farxadeeyn ay u tahay inuu goobjoog u ahaado Ciidamadaan tababarka soo qaatay ee dalka kusoo laabtay wuxuuna tilmaamay inuu raajeeynayo in dalkooda iyo dadkooda cadawga inay kadifaacaan.

14-kii bishaan ayay markii cutubkale oo katirsan kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor ay dalka dib ugu soolaabteen kuwaasi oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment