1110 Views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya dagaal culus kula galeen degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya dagaal culus kula galeen degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

April 7/4/2021

Wararka naga soo gaaraya degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dagaal culus kula galeen degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad oo ka amba baxay degaanka Sinadhaqo ayaa waxaa la sheegay in dagaal kooban kadib ay la wareegeen degaannada labi-dulle iyo dhabana-dhulkuheys oo ku yaal duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada gaadmada ah.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab ay uga dileen lix Xubnood, sidoo kale ay kala wareegeen saanad Ciidan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaannadii lagu dagaalamay  ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallo ay sameeyeen inay kula wareegeen degaanka Sinadhaqo ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo weerarada qorsheysan ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab.

Office

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post