606 Views

Rooble oo Amray in aan wax lacag ah laga bixin Khasnadda Dowladda

Rooble oo Amray in aan wax lacag ah laga bixin Khasnadda Dowladda
____________________________________________________________________________


Muqdisho |Axad:  September 12, 2021
–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen  Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga heeysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal loo diray Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka hore  mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha.

” lyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo

in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka

qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyagaan SRDs, Ra’isul Wasaaraha XFS wuxuu farayaa

Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto:

1. In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee. ilaa oggolaansho laga helo

Ra’iisul Wasaaraha.

2. Mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka cidamada, mashaariicda iyo wixii kale

ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta

Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan Rw XFS

inta aan la bixin wax lacag ah.

3. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo

yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin RW XFS.

4. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku

socoto.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray  Mas’uuliyiinta warqaddan ay ku socoto in ay amarkan sidiisa ugu dhaqmaan, waxaana amrkaan uu socon doonaa ilaa inta laga gudbayo xaaladda kala guurka ee dalku kujiro.

Amarkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post