1233 Views

Ciidamada Amniga oo toogtay nin hubeysan oo askari dhaawacay iyo qof walxaha qarxa ku xiray gaari oo la qabtay

Ciidamada Amniga oo toogtay nin hubeysan oo askari dhaawacay iyo qof walxaha qarxa ku xiray gaari oo la qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Ciidamada Amniga ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ku toogtay nin hubeysan oo Askari dhaawacay, iyadoo qof kale oo la socday ninka hubeysan uu ku baxsaday Mooto.

 

 

Sida ay sheegayaan wararka labada nin hubeysan ayaa la sheegay in xilliga ay tooganayeen askariga ay goobta ka ag dhowaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay durba ku baxeen rasaas ay rideen ragga hubeysan oo ay ku dhifteen askariga, waxaana ay ku jawaabeen Ciidamada rasaas, taasoo haleeshay mid ka mid ah raggii hubeysnaa oo markii dambe goobta ku geeriyooday.

 

Dhinaca kale Ciidamada Amniga gacanta ku dhigay nin walxaha qarxa ku xiray gaari yaallay wadada Maka Al-Mukarama.

 

Qabashada ninkan ayaa ka dambaysay kadib markii ay dad arkayay markuu gaariga ku xirayay waxlxaha qarxa ku wargaliyeen ciidamada amniga ee ka howgala nawaaxigaas, waxaana suuro gashay in la qabto ruuxii gaariga qaraxa ku xiray.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga oo yaallay agagaarka Shineemo Soomaali uu waqti yar kaddib qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

 

Ciidamada Amniga ayaa bishan Ramadaan kordhiyay howlgalada lagu sugayo Amniga, inkastoo maalin ka hor uu qarax Ismiidaamin ka dhacay Xarunta degmada Wardhiigley, hadana magaalada Muqdisho ayaa 40 cisho ka badan wax qarax ah ka dhicin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment