1260 Views

Shirkadda Facebook oo dadka Australia ka joojisay Wararkii ay ka heli jireen

Shirkadda  Facebook  oo dadka Australia ka joojisay Wararkii ay ka heli jireen
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

 Tallaabo u muuqata aar-goosi balse layaab ku noqotay dadka reer Australia ayay shirkadda Facebook Khamiisti  uga joojisay guud ahaan waddanka Australia, qeybti ay dadka adeegsada Facebook ka heli jireen wararka.

Arrintan ayaa ku qoronta muran u dhaxeeya Dowladda Australia iyo Shirkadda Facebook, kaddib marki ay uu dhawaan baarlamaanka ansixiyay, qaanuun ku amraya shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiga, in ay gataan wararka qalabka warbaahinta ku faafiyaan Facebook iyo Google.

Tani waxay keentay in Khamiisti maanta ay hey’adaha warbaahinta Australia ayaa awoodi waayeen, in ay wararkooda ku faafiyaan Facebook, sidoo kale dadka adeegsada Facebook ayaa heli waayay wixi warar ahaa ee u soo mari jiray Facebook.

Ra’isul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa go’aanka Facebook ku tilmaamay isla-weeyni iyo wax aad looga xumaado isla markaana aysan Facebook u caga-jugleyn karin dowladda Australia.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post