951 Views

Madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah la qaatey Wakiilka QM

Madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah la qaatey Wakiilka QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , March 9, 2020 —Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

 

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa ay uag wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland iyo doorashada soo socota ee 2021 la filayo inay ka dhacdo dalka.

 

 

 

Wakiilka Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahad celiyey Madaxda Puntland sida ay u wada Shaqeeyaan,isaga oo ku baaqay in la xaliyo khilaafka jira.

 

Madaxwyenaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahadeliyey Ambassador James Swan sida uu mar walba uga Shaqeeyo arrimaha horumarka Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii looga bixi lahaa xaalada dalka uu ku jiro taas oo uu sheegay in dad badan uu uga jiro mugdi,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in uu yimaado isfaham ku dhisan wadatashi iyo in doorashada waqtigeeda la qabto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment