1191 Views

Shir laga yeeshay Amniga Boosaaso kadib falal amni darro oo ka dhacay

Shir laga yeeshay Amniga Boosaaso kadib falal amni darro oo ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka Bari, kaas oo Maanta lagu qabtay Magaalada Boosaaso.

Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee ciidamada Booliska oo ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray  qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari.

Taliye Xuseen wuxu ugu horeen Taliyaasha Saldhigyada Qeybohooda kala duwan ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameyeen Ciidamada Booliska iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Dhinaca kale Taliye Xuseen  ayaa u mahadceliyay dhamaan sarakiisha kala duwan ee Booliska isagoona ugu baaqay in ay dardar lixaadleh ay galiyaan amaanka isamarkaana bulshada ay ugu adeegaan si wanagsan iyagoo racaya timaamo uu siiyay madama bulshada ay shaqada ay u hayaan ay tahay mid waajib ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay xaqiijinta amniga Gobalka Bari iyo Kala warqaadashada Lamaha Booliska.

Taliyaha Qeybta Ayaa Bulshada Magaalada Bosaaso ka codsaday in ay gacan ka siyaan ciidamada xaqiijinta amaanka si looga hortago kuwa sameeya dhibaatootinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post