939 Views

Dowlada Kenya oo lagu wado in Visaha dalku galka Somalida uga dhigto On Aravel

Dowlada Kenya oo lagu wado in Visaha dalku galka Somalida uga dhigto On Aravel
____________________________________________________________________________

booqasho uu Soomaaliya ku yimid xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Macharia Kamau ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu ay ka shaqeynayo sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa Fiisaha dal ku galka.

Macharia Kamau ayaa shaaciyey inay muhiimaddu tahay in la horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha oo tusaale u soo qaatay dalalka Uganda, Djobouti, Ethiopia iyo Turkey oo diyaaradahooda duulimaadyo joogto ah ku yimaadaan Soomaaliya ayaa xusay inay muhiim tahay inay tixgeliyaan ahmiyada iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhowaan ku yimaaday magaalada Muqdisho oo uu ka bixiyey faah faahin kooban, wuxuuna yiri “Waxaan u safray Soomaaliya aniga iyo wafdi kooban oo ka socda wasaarada arimaha dibada oo ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo maaraynta iyo khubaro kale si aan u eego xaalada kooxdeena diblomaasiyadeed ee Soomaaliya,”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada dowladood iyo labada shacab aysan kala maarmin, islamarkaana illaa 35,000 Kenyan ah ay ku nool yihiin gudaha Soomaaliya halka nus malyuun Soomaali ah ay sidoo kale degan yihiin gudaha dalka Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid hooseeyo, iyada oo ay Soomaaliya hakisay qaadki faraha badnaa ee uga imaan jiray

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post