360 Views

Maareeyaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Aadan Cadde oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Maareeyaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Aadan Cadde oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Maareeyaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Aadan Cadde Maxamuud Gureey oo ay wehlinayeen Maareeye ku-xigeenka Maamulka Guud iyo Amniga Garoonka Aadan Cabdulle iyo Taliyaha Saldhigga garoonka ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre gudaha xafiiska Maamulka Garoonka Caalamiga ah.

Kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa Maamulka Guud ee Garoonka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay horumarinta iyo adkeynta Amniga Garoonka, iyadoo ay sidoo ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoonka mudane Cabdinaasir Maxamuuud Gureey iyo ku-xigeenkiisa mudane Caydaruus Axmed Kaahiye iyo Taliyaha Saldhigga Booliska garoonka Aadan Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdifataax Bashiir Cali.

Maareeyaha Naamulka Guud iyo Amniga Garoonka mudane Cabdinaasir Maxamuud Gureey ayaa yiri “Larry Andre oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa nagu soo booqday dhowaan xafiiska Maamulka Guud ee Garoonka, inagoo ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin xagga kaamirooyinka casriga ah ee Amniga garoonka, aniga”,

Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo intaasi ku daray ayaa yiri “Sidoo kale waxaa inoo suuro gashay inaan aniga iyo mas”uuliyiinta kale ee xafiiska Maamulka iyo Taliyaha Saldhigga Garoonka iyo Safiir Larry Andre aan wadajir u kormeerno qeybaha kala duwan ee gudaha Garoonka xilli ay shaqadu socoto, kulankana wuxuu noogu dhammaaday guul”.

Dowladda Mareykanka ayaa si buuxda u taageerta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka kaalmeysa dhinacyada mashaariicda horumarinta, Amniga iyo Gargaarka Beni’aadannimada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post