588 Views

Mareykanka oo weli ka digaya duulaanka Ruushka ee ku wajahan dalka Ukrain

Mareykanka oo weli ka digaya duulaanka Ruushka ee ku wajahan dalka Ukrain
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Wendy Sherman ayaa Arbacadii sheegtay in Mareykanku uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu diyaar u yahay inuu awood u adeegsado Ukraine bartamaha Febraayo, inkastoo cadaadis lagu saarayo inuusan falkaa kudhaqaaqin

“Wax fikrad ah uma hayo haddii uu go’aanka kama dambaysta ah qaatay, laakiin waxaa hubaal ah inaan aragno calaamad kasta oo muujinaya inuu isticmaali doono awood millatari mar uun, laga yaabee  hadda ama bartamaha Febraayo,” Sherman ayaa u sheegtay saxaafada

Diblamaasiyaddaan oo horaantii bishan kula kulantay dhigeeda Ruushka magaalada Vienna si ay uga digto Moscow in ay ku duusho deriskeeda, waxa ay hadalkeedi intaa ku dartay in qorshaha Putin uu saamayn ku yeelan karo ciyaaraha Olombikada ee Bejing, kaas oo Maraykanka iyo xulafadiisa ay qaadici doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post