456 Views

IRAN: Maxaabiis Siyaasadeed oo la dilay

IRAN: Maxaabiis Siyaasadeed oo la dilay
____________________________________________________________________________

Warbaahinta Dowladda Iran waxay shaacisay in la dilay 2 Maxbuus oo lagu kala magacaabi jirey Sarkwat Ahmedi oo ka soo jeeda Qowmiyada Kurdishka iyo Hossein Abiat oo ka soo jeeda Qowmiyada Carabta ee looga tirada badan yahay dalkaasi.

Warbaahinta Dowladda Iran waxay sheegtay in Eedeysanaha hore ee Sarkawat Ahmedi oo horey uga tirsanaa jirey Garabka hubeysan ee Kurdishka KOMALA waxaa Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay magaalladda Kurdishka ee Kermanshah.

Sarkawat Ahmedi waxay Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran (the Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) qabteen

bishii December ee sanadkii 2020-kii, xilli uu doonayey inuu si qarsoodi ah ugu dhoofinta Europe, isagoo ka sii gudbiyey Waqooyiga dalkaasi.

Maxbuus kale oo Siyaasadeed, laguna magacaabi jirey Hussein Abait oo muddo 11 sano xirnaa ayaa isagana lagu fuliyey Xukun Dil ah.

Maxbuus oo ka soo jeeda Qowmiyada Carabta Carabta degan magaalladda Ahwaz ayaa la sheegay in Isniintii la soo dhaafay lagu dhex dilay Xabsiga Sepidar oo ku yaalla magaalladda Ahwaz oocaasimada u ah Gobalka Khuzestan ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Warbixin ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Iran ee (Iran Human Rights) oo fadhigooda Dhexe ku yaallo Caasimadda dalka Norway ee Oslo waxay ku shaaciyeen inay Dowladda Iran sanadkan 2023-ka oo keliya ay Xukun Dil ah ku

Fulisay 87 qof.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post