1218 Views

Shirka Qurbo joogta Soomaalida oo looga hadlay Maalgashiga dalka lagu sameysan karo.

Shirka Qurbo joogta Soomaalida oo looga hadlay Maalgashiga dalka lagu sameysan karo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa lagu qabtay shirkii 5-aad ee Qurba joogta oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Soo bandhigidda furshadaha aro Maalgashiga, kala xog qaadashada qurbo joogta, dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dhalinayrada.

 

Jawaahir Daahir oo ah Gudoomiyaha Golaha caalamiga ee Qurbo joogta Soomaalida ayaa sheegtay in ganacsatada Turkiga ay kala hadleen sidii ay Maalgashi ugu sameysan lahaayeen Soomaaliya.

 

Waxa ay intaa ku dartay in ay daneynayaan in indhaha Caalamka ay kusoo jeediyaan fursadaha ka banaan ee Mudan in dadka hantida heysta ay maalgashadaan.

 

Gudoomiye Jawaahir ayaa sheegtay in isbadal muuqda uu dalka ka jiro, sidaas awgeed ma huraan ay noqotay in laga shaqeeyo sida loo dardar gelin karo dhaqaalaha Dalka.

 

Waa ay sii hadashay waxa ay intaa ku dartay in Dadka Soomaalida ay dalalka kala duwan ee ay ku nool yihiin la tageen fikrado lagu hormarinayo, iyagane ay doonayaan in dadka hantida heysta ku dhiira-geliyaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

 

Golaha Qurba joogta ayaa sanadkiiba Mar shira, waxaana ay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo qorshe howleedkooda sanadka xiga

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment