1167 Views

SAWIRO:- Dad banaanbax Cabasho ah ka dhigay Muqdisho

SAWIRO:- Dad banaanbax Cabasho ah ka dhigay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Dad u badan Haween iyo Dhalinyaro rag ah ayaa Maanta waxaa ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne, kuwaas oo ka cabnayay in Goobo Ganacsi ay lahaayeen la burburiyay.

Banaanabaxaaysha qaarkood ayaa ku dhawaaqayay Eray ka dhan ah Dowladda, iyaga oo sheegay in Goobahooda Ganacsiga oo nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareyn jireen si bareer ah loo burburiyay.

Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Goobaha laga burburiyay ay kiro ka bixin jireen, sidoo kale dowladda ay Canshuur ka qaado, hayeeshee loogu bedelay in Goobahooda Ganacsiga laga burburiyo.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo kusoo baxay rabshado ka dhashay banaanbaxa ayaa sheegay in dadka ku Ganacsada Goobaha la burburiyay ay kasoo cawdeen Shacabka degmada Xamarweyne, kadib markii ay waayeen wado ay maraan.

Waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada waratada ah ee banaanbaxa sameeyay inay tagaan Xarunta Maamulka degmada si ay uga wada hadlaan xalka ugu habeen oo aan aheyn inay wadada ku ganacsadaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post