630 Views

Taalibaan oo la wareegtay magaalooyinka muhiimka ah

Taalibaan oo la wareegtay magaalooyinka muhiimka ah
____________________________________________________________________________

Axad: August 15, 2021

 Ururka Taalibaan ayaa u qarka u saaran inuu dib ula wareego gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan, xilli magaalada caasimadda ah ee Kabul ay haatan tahay magaalada kaliya ee wayn ee ay dowladdu maamusho.

Qabshada Jalalabad iyadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kabul ka dhigaysaa magaalada kaliya ee wayn ee ay weli dowladdu gacanta ku hayso.

Waxa ay daba socotay markii Sabtidii ay ciidammada dowladda kala wareegeen magaalada waqooyiga ku taal ee Mazar-i-Sharif.

Burburka degdega ah ee ku yimid ciidammada dowladda ayaa waxa uu madaxweyne Ashraf Ghani dul dhigay cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan inuu xilka banneeyo.

Waxa uu wajahayaa laba daran mid dooro oo ah inuu isdhiibo ama uu dagaal galo si uu caasimadda u sii haysto.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay inuu 5,000 oo askari uu dirayo dalkaasi si ay gacan uga gaystaan daadguraynta muwaadiniinta dalkiisa si loogaga soo saaro dalkaasi ay colaaduhu la dageen.

Madaxweyne Joe Biden oo wajahaya dhaleecayn xooggan oo ku aaddan amarkii ay ciidammada Mareykanka uga soo baxeen waddanka Afgaanistaan, ayaa sheegay inuusan qiil u helayn in “Mareykanku uu abid bartamaha kaga jiro colaad sokeeye oo dal kale ka taagan.”

Bayaan qoraal ah ayuu Mr Biden ku sheegay in xitaa haddii 5 sanadood oo kale ay sii joogi lahaayeen ciidammadu aanay waxba isbadeli lahayn haddii milateriga Afgaanistaan uusan dalkiisa haysan karayn.

Maxaa ka dhacay Jalalabad?

Wararka soo baxayay maanta oo Axad ah ayaa waxa ay sheegayaan in Taalibaan ay qabsadeen magaalada iyadoo aanay xitaa hal xabbad ka dhicin.

“Wax iskudhacyo ah oo haatan ka soconaya magaalada Jalalabad ma ay jirto sababtoo ah maayirkii magaalada waxa uu isu dhiibay ururka Taalibaan,” waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Afgaani ah oo magaalada ku sugan.

“In waddo loo banneeyo Taalibaan ayaa ah wadada kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha dadka rayidka ah.”

Weriye Tariq Ghazniwal ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay sawirro muujinaya maayirka oo xilka magaalada ku wareejinaya Taalibaan.

Qabsashada Jalalabad ayaa waxa ay ka dhigan tahay in Taalibaan ay la wareegtay waddooyinka waddanka Afgaanistaan ku xiriiriya dalka dariska ah ee Pakistan.

Waxa ayna imanaysaa saacado uun kaddib markii magaalada Mazar-i-Sharif ee caasimadda gobolka Balkh oo ah magaalada afraad ee ugu wayn waddanka Afgaanistaan ay sidoo kale ka baxday gacanta dowladda iyadoo aanay wax dagaal ah ka dhicin.

Abas Ebrahimzada, oo ah xildhibaan ka soo jeeda gobolka Balkh, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ciidammada qaranka ay yihiin kuwa ugu horreeyay ee isdhiibaya, arrintaas oo markii dambe horseedday in ciidammada gacansaarka la leh dowladda iyo maleeshiyaadka kalaba inay niyad jabaan.

Fallaagada ayaa haatan waxa ay maamulaan 23 caasimad goboleed oo ka mid ah 34-ta caasimad goboleed ee dalkaasi.

Maxaa ka soconaya Kabul?

In ka badan rubac malyuun qof ayey dagaalladu barakiciyeen iyadoo qaar badan oo dadkaasi ka mid ahna ay soo miciin bideen magaalada caasimadda ah.

Qaar ka mid ah dadka ka soo barakacay deegaannada ay Taalibaan maamulaan ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay qoysaska ka dalbanayeen inay soo wareejiyaan gabdhaha iyo haweenka aanan la qabin si ay xaasas ugu noqdaan dagaalyahannadooda.

Muzhda, oo ah 35-jir garoob ah oo iyada iyo labadeed gabdhood ka soo qaxay Parwan una soo carartay Kabul ayaa waxa ay sheegtay inay isdili doonto halkii ay Taalibaan xoog ku guursan lahaayeen.

“Habeen iyo maalinba waan ooyaa,” ayey u sheegtay wakaallada wararka ee AFP.

Haweenka ku sugan deegaannada ay Taalibaan maamusho ayaa sidoo kale tilmaamay in lagu qasbay inay burqada xirtaan – oo ah xijaab ay haweenku jirkooda wajiga illaa jirka oo dhan ay ku asturtaan – iyadoo la soo tabiyay in maleeshiyaadku ay garaacayeen dadka jabiya shuruucda bulshada ee ay dajiyeen.

“Alle ma sababee Kabul dagaal hurimayso,” ayuu Sayid Akbar oo ah 53-jir ku nool magaaladaasi waxa uu u sheegay Wargeyska the New York Times. “Dadku waxa ay soo mareen 40 sanadood oo murugo ah. Waddooyinka aannu haatan ku soconno waxaa lagu lafo dad.”

Wiil 17 sano jir ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi, ayaa wakaaladda wararka ee AFP waxa uu u sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay ka soo qaxeen magaalada waqooyiga ku taal ee Kunduz kaddib markii ay Taalibaan la wareegeen, haatanna waxaan ku noolnahay teendho aan ka dhisannay barxad ku taal Kabul.

Waxa uu sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo Kunduz ku nool lagu qasbay inay hub iyo rasaas u qaadaan maleeshiyaadka.

Sidoo kale dadka caasimadda ayaa safaf dhaadheer waxa ay u galeen bangiyada iyagoo isku dayay inay la baxaan lacagaha ay kaydsan jireen. Laamaha bangiyada qaar ayaa la soo tabinayaa inay lacagtii ka dhammaatay.

Waxaa kaloo la soo sheegayaa in qalalaase uu ka jiro xabsiga Pul-e-Charkhi ee ku yaal daafaha caasimadda, iyadoo dadka deegaanku ay sheegayaan in rasaas laga maqlay xabsiga.

Khudbad la sii duubay oo uu taleefishinka ka jeediyay Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa waxa uu ku sheegay in muhiimaddiisa ugu wayn ay tahay sidii dib loogu abaabuli lahaa ciidammada ammaanka ee Afgaanistaan si loogaga hortago burbur dheeraad ah iyo in dadku ay guryahooda ka barakacaan.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar la iska dhexmarayo oo sheegaya in Mr Ghani laga yaabo inuu ku dhawaaqo inuu iscasilayo oo uu xafiiska banaynayo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post