546 Views

Nin weerar ka fuliyay Masaajid ku yaala dalka Kanada

Nin weerar ka fuliyay Masaajid ku yaala dalka Kanada
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Dad ku cibaadaysanayay masaajid ku yaala dalka Kanada ayaa xakameeyay nin la sheegay in uu faas watay oo uu ku weeraray Masaajid ku yaala dalka Kanada salaadii subax ee shalay oo Sabti aheyd, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkan oo 24 jir ayay boolisku ka xireen goobta.

Booliska ayay arrintan u suura gashay, kadib markii mid kamid ah jamaacadii halkaa ku tukaneysay uu kahortagay ninkan, faaska uwatayna uu ka qaaday kadibna gacmaha kahaayay ilaa ay Boolisku uga imaanayeen, sidaana lagu xiray.

Sida uu warbaahinta u sheegay Imaamka Masaajidkaasi ,qaar kamid ah dadkii halkaa ku cibaadeysanayay ayay dhaawacyo fudfud soo gaareen.

Dhacdadan ayaa waxaa ilaa hadda ka hadlay Rai’sulwasaaraha Kanada Justin Tredue wuxuuna aad u maanay sida geesinimada leh ee ninkan weerarka soo qaaday looga horagtagay , wuuxuna sheegay in arintan aysan ka turjumeynin dhaqanka Dadka ree Kanada aadna uu uga xun yahay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post