852 Views

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan G.Siti

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan G.Siti
____________________________________________________________________________

Arbaco:  25/2022

Xaalad aan daganeyn ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto galbeedka gobolka Siti halkaas oo shalay ay ku dagaalameen labo maleeshiyo oo ka kala soo jeeda Soomaalida iyo Canfarta.


Hub aruursi iyo guluf colaadeed ayaa ka socota deegaanada ku dhaw halka uu dagaalku ka dhacay oo labada maleeshiyo ay wadaan.


Dagaalkii shalay waxaa ku geeriyooday in ku dhaw 10 ruux, tiro intaa ku dhaw way ku dhaawacmeen.


Ma jirto ilaa iyo hadda wax waan-waan ah oo socota oo loogu kala dab qaadayo labadaan maleeshiyo ee ka kala soo jeeda Soomaalida iyo Canfarta.


Maleeshiyaadka canfarta ayaa dhowr jeer weerar kusoo qaaday deegaanada galbeedka dhaca ee gobolka Sitti oo ay ku nool yihiin Somaalida iyada wali aan xalloo helin dagaaladan soo noq-noqday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post