1041 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in Wadajir loola dagaalamo Al-Shabaab

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in Wadajir loola dagaalamo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa uga tacsiyeeyay Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal waxa uuna Alle (SWT) caafimaad deg-deg ah uga baryey dhammaan dadkii ku waxyeeloobay falkaas.

 

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo kan Shacabka Galmudug waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Dowlada iyo shacab weynaha Puntland oo aan uga tacsiyeynayo geerida Guddoomiyaha Gobolka Nuugaal Marxuum Cabdi Salaam Xasan Xirsi. Waxan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

 

 

 

Sidoo kale, Madaxweyne Qoorqoor ayaa si daran u cambaareeyay qaraxaasi, Waxaana  uu ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment