393 Views

Amiirad u dhalatay Sucuudiga oo muddo kadib xoriyaddeedii dib u heshay

Amiirad u dhalatay Sucuudiga oo muddo kadib xoriyaddeedii dib u heshay
____________________________________________________________________________



Axad: January 9, 2022

Amiirad u dhalatay Sucuudiga iyo gabadheeda ayaa xoriyaddooda dib u helay kadib ku dhawaad saddex sano ay ku xirnaayeen xabsi si weyn loo ilaaliyo isla markaana wax dacwad ah lagu soo oogin, sida ay sheegeen dad u ololeynayay in lasii daayo.

Amiirad Basma Bint Saud ayaa la xiray bishii March sanadkii 2019 xilli ay qorsheyneysay inay u duusho dhinaca dalka Switzerland halkaas oo xaalad caafimaad ay u tageysay.

Lama ogo sababta loo xiray iyada iyo gabadheeda, wax dacwad ah laguma soo oogin.

Dadka waxay sheegeen in xiritaankooda uu la xiriiro u doodista arrimaha xuquuqul insaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post