771 Views

Puntland: Xildhibaano bedelaya Xildhibaannadii xasaanada laga qaaday oo la dhaariyay

Puntland: Xildhibaano bedelaya Xildhibaannadii xasaanada laga qaaday oo la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 03, 2021–Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yusuf Jibroil oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ee koobaad iyo labaad ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Kulanka Golaha intiii uu socday ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii ay lahaayeen.

Xildhibaannada Cusub ee Maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Wakiilada puntland oo gaaraya 8 mudane ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

8 mudane oo horay Xasaanada iyo xubinimada Baarlamaanka Puntland laga xayuubiyay ayaa kasoo horjeestay, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo looga hortayay mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post