435 Views

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta oo shir gudoomiyey shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta oo shir gudoomiyey shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Maalgahiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf ayaa manta gudoomiyay shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM wajiyadiisa (Phases) halka ay maraayaan. kaas oo ay ka qeyb galeen Agaaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beraha iyo waaraabka, Tamarta iyo Kheyradka Biyaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka.

Shirkan oo ahmiyad wayn u lahaa dhinacyadan waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah, wareejinta xogta iyo horumarinta nidaamka FSAUN/SWALIM, sidoo kale isku xirka iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha ay khuseyso.

Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta ayaa isla gorfeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa sida ugu macquulsan ee loo soo wareejin lahaa xogta dowladda Soomaaliya, tasoo lagu xoojinayo hay’adda Istaatikasada Qaranka oo shaqooyinka waajibadaadkeeda tahay kaydinta, Aruurunta iyo shaacinta xogaha kala duwan ee dalkeennu ku saabsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post