663 Views

Beesha caalamka oo War ka soo saartay hadalkii ka soo baxay wasiirka amniga.

Beesha caalamka oo War ka soo saartay hadalkii ka soo baxay wasiirka amniga.
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

War qoraal ah oo kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalaamka ayaa walaac looga muujiyay go,aanka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gaar ahaan wasiirka Wasaaradaas Cabdullaahi Maxamed Nuur kaas oo la xiriiray in Ciidamada Hay’adda NISA ay faraha kala baxaan shaqada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho islamarkaana shaqada garoonka ay si buuxda u maamulaan Taliska Booliska Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ayaa waxaa si toos ah loogu wargeliyay  R/wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble Rooble taa oo lagu sheegay in talaabada Wasiirka Amniga ee garoonka Diyaaradaha ay walaac-galinayso dhankooda.
Sidoo kale, fiidnimadii Xalay waxaa la sheegay in Safaaradda Mareykanka  ay teleefoon kula hadashay Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka Amnigaba, waxaana laga dalbaday Wasiirka cadeynta qoraalkooda iyo ujeedkiisa iyadoo dhinacyada la faray in ay u furan tahay oo kaliya ku mashquulka doorashada.

“Isbedelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka). Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa horey usoo saaray qoraal kan ka horreeyay ku shaaciyey in go’aanka ciidanka Hay’adda NISA looga saarayo garoonka Muqdisho la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, isagoo qoraalkiisa ku xusay iney ku kaceen xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, kuwaas oo cadeymo loo hayo, sida uu sheegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post