7620 Views

Dr. Ibraahim Cali Xasan ‘6 bilood ee uu jiray isbitaalka Somali German wax weyn ayuu soo kordhiyay…’

Dr. Ibraahim Cali Xasan ‘6 bilood ee uu jiray isbitaalka Somali German wax weyn ayuu soo kordhiyay…’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 17, 2016 – Waxaa Xaafada Nasiib Buundo ee Degmada Boondheere oo ka Tirsan Gobolka Banaadir laga furay 17-1-2016 Isbitaal Casri ah oo loogu magac daray isbitaalka Caalamiga ah ee Somali German Hosbital kaasoo maanta ay u buuxsantay 6 Bilood ee ugu horeysay.

Isbitaalkaan oo wax weyn ka badalay Horumarka Degmada Boondheere ayaa waxaa mudadii 6 bilood ee uu ka furnaa Xaafada nasiib Buundo ee Degmada Boondheere uu soo kordhiyay horumar ay ku diirsadeen dadka degan degmada Boodheere iyo guud ahaan Degmooyinka Caasimada Muqdisho iyo nawaaxigeeda,waxaana isbitaalka oo ku howlgala qalab casri ah oo laga keenay Dalka Germany ka howlgala Dhaqaatiir isagu jirta Soomaali iyo Ajnabi.

dr-ibrahim-cali-xasanMaamulaha Guud ee Isbitaalka Somali German Dr Ibraahim Cali Xasan ayaa sheegay in Isbitaalka Somali German GHosbital oo furay sidii uu bulshada Soomaaliyeed uga haqab tiri lahaa Baahida caafimaad,isagoo xusay in mudadii 6 bilood aheyd ee isbitaalku ka furnaa Xaafada nasiib Buundo ee Degmada Boondheere uu  ku talaabsaday Guulo lagu diirsan karo isla markaana Bukaanada ka faaideystay daweyntiisa ay yihiin kuwo ka kala yimid Muqdisho iyo Gobolada

‘Runtii Dadalkeena ma yara inaan sii labo laabno mooyee marna  hakin meyno shaqada aan u heyno dalka iyo dadka Soomaaliyeed ‘ayuu Yiri Dr Ibraahim Cali Xasan oo intaasi ku daray in Mustaqbalka Isbitaalka Somali German uu noqon doono mid ay ku diirsadaan waxqabadkiisa Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Maamulaha Guud Dr Ibrahim cali xasan waxa uu hoosta ka xariiqay in isbitaalka uu yahay mid agabkiisa caafimaad uu u dhamesytiran yahay isagoo xusay in 6 bilood ee la soo dhaafay ay qabteen adeegyo caafimaad oo lagu diirsaday ayna sii laba laabi doonaan dadaalkooda.

Qeybaha Bulshada Degmada Boondheere k dhaqan ayaa ku tilmamay fursad u soo hoyatay ka yagleelida degmada Boodheere Isbitaalka Somali German.waxa ayna xuseen in soo dhaweyn wanaagsan iyo waxqabad ay kal kulmeen Isbitaalka Somali German.

‘mid ka mida odayaasha Deegaanka xaafada nasiib Buundo ayaa yiri’aad baan uga nasiib nadan nahay Degmooyinka kale waxaan helnay isbitaal casri ah oo nooq abanay adeegyada aan uga  baahanahay dhinaca Caafimaadka,waxa uuna u rajeeyay Maamulka,dhaqaatiirta iyo Howlwadeenada Isbitaalka Somali German Hosbital inay ku guuleystaan waxqabadkooda.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment