747 Views

M/weyne Xasan Shiikh oo kulamo ka wado Baydhabo

M/weyne Xasan Shiikh oo kulamo ka wado Baydhabo
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh maxamuud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka koofur-galbeed soomaliya ayaa halkaas ka bilaabay kulmo uu la yeelanayo hogaanka maamulka, odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay odayaasha dhaqanka deegaanada maamulka koofur-galbeed isagoo kala hadalay xoojinta nabadeenta bulshada Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay ujeedka ay halkaasi u tageen isaga iyo wafdiga la socday ay tahay sidii ay u ogaan lahaayeen baahiyaha ka jira maamulka konfurgalbeed, in kastoo ay jiraan xogo kale oo soobaxayo oo la xiriira safarka madaxweynaha.

Madaxaynaha JFS ayaa sidoo kale lagu wadaa  inuu safaro ku kala tago maamulada kale ee dalka ka hor caleema saarkiisa oo la qorsheeynayo in uu dhacao bartamaha bishaan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post