561 Views

Isimada Puntland oo Iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweyne Deni

Isimada Puntland oo Iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweyne Deni
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

Madaxweyne Deni oo xariir la sameeyey Isimadda Puntland ee kusugan Boosaaso, ayaa ka codsaday in uu kulamo magaalada Qardho, maadaama Boosaaso ay u baahan tahay xaqiijinta Amniga, si qodobadii ay soo saareen ay iskula jeex-jeexan sida loo hirgalinayo.

Isimadda ayaa diiday dalabka Deni, waxayna sheegeen in halka ay xaajadu taalo tahay magaalada Boosaaso, ammaankeedana ay masuuliyad saaran tahay masuuliyiinta dawladda, halkaasna ay kusugayaan meelmarinta guddoonkii Isimaddu ay dhawaan soo saareen.

Warar hordhac ah ayaa cadeynaya in M/weyne Deni qorsheynayo safarkisa, balse kahor isbedelo kusameyn doono taliska ciidamada kala duwan qaarkood, gaar ahaana Daraawiishta oo durba ay soo baxayaan magacyo uu kamid yahay Amiin Xaaji Kheyr (Agaasimihii magacownaa ee PSF).

Deni ayaa diidan in uu dago Madaxtooyada oo ku dhaw-Xerada PSF, maadaama aysan wali jirin kalsooni buuxda oo dhinacyadu is aqbasheen ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post