999 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar dul-dhigay Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar dul-dhigay Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta in Ra’iisul Wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan.

Qoraal uu u diray Golaha Wasiirada xilalka siihaya ayaa waxaa uu ku amray in la tashi kaddin nuqul ka mid ah qoraaladooda ay soo ogeysiiyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Sii Hayaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka.

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo ka horimaaneysa tilmaamaha kor ku xusan ee ah amarka la faray Golaha Wasiirada Xil-gaarsiinta.

Hoos Ka Akhriso Warqadda kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post