672 Views

Rooble oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Rooble oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 3, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar Afar maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Qoraal ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in safarka R/Wasaaraha uu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post