1914 Views

Banaanbaxayaasha Myanmar oo xasuuq kala kulamayo Ciidamada amaanka Daawo Muqalkan

Banaanbaxayaasha Myanmar oo xasuuq kala kulamayo Ciidamada amaanka Daawo Muqalkan
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Yangon, waxaa la arkayaa booliiska oo galbinaya nin iyada oo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Ninka ayaa u muuqda maxbuus mana muujinayo wax iska caabbin ah – waxaa kaddib si lama filaan ah u gadaal uga tooganaya askari, kaddib laad ku dhufanaya iyadoo ninku uu dhulka yaallo.

Dhacdadaas, oo muuqaal laga duubay, waa mid ka mid ah dhowr dhacdo oo la soo weriyay tan iyo afgembigii milatari ee ka dhacay Myanmar 1-dii February kaas oo sababay dibadbaxyo.

Ugaarsiga ka dhanka ah dibadbaxyada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Balse milatariga, ama Tatmadaw, ayaa ku adkeysanaya in xoogagga ammaanka ay awoow u adeegsadeen “dibadbaxayaasha rabshadaha wada” oo ay ku eedeeyeen inay weerareen booliiska.

‘Gebi ahaanba waa khalad’

Warbixin cusub, oo ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in in ka badan 50 muuqaal oo laga soo dubay dibadbaxyada rabshadaha wata lagu wadaagay baraha bulshada.

Iyadoo ku saleyneysa caddeymahan, ayay hay’addu sheegtay in xoogagga ammaanka ay toddobaadyadii la soo dhaafay dibadbaxayaasha u adeegsanayeen hubka goobaha dagaalka.

Amnesty ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dilalkii ay geysteen milatariga loo aqoonsanayo kuwo qorsheysan.

Mid ka mid ah muuqaallada, waxaa la arkayaa mid ka mid ah Tatmadaw oo ku sugan Dawei oo qorigiisa amaahinaya sarkaal isaga lala keenay. Sarkaalka ayaa qoriga qabsanaya kaddibna rasaas ridaya, iyadoo asxaabtiisana ay u sacabba tumayaan

Dhowr dibadbaxayaal ah oo ku sugan Yangon, oo ah magaalo weyn, ayaa BBC u xaqiijiyay inay arkeen milatariga oo xabbado nool nool ku ridaya dibabaxayaasha, taa soo dhimasho iyo dhaawacba sababtay.

Amnesty ayaa sheegtay in milatariga uu noocyo kala duwan oo hub ah u adeegsaday dibadbaxyada.

Mid ka mid ah muuqaallada ayaa sidoo kale muujinaya ciidamada ammaanka oo saaran gawaarida waaweyn oo ku sugan magaalada Mawlamyine kuwaas oo sida la sheegay rasaas aan loo aabba yeelin ridaya, meelaha ay ku ridayaan waxaa ka mid ah guryaha dadka.

Nolosha ayaa ku tiirsan’

Sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, xoogagga ammaanka uma adeegsan karaan rasaas dibadbaxayaasha, ilaa haddii ay jirto khatar dhimasho ah amaba dhaawac daran mooyaane, isla markaana aysan jirin qaab kale oo aan dhib lahayn oo la adeegsna karo.

Taas beddelkeed, waa in “xeerka awood yar” loo adeegsadaa dibadbaxayaasha sida uu sheegay Ian Foxley, oo ah baare ka tirsan University of York’s Centre for Applied Human Rights.

Milatariga ayaa sidoo kale weeraray internet-ka intii uu socday afgembiga, iyaga oo xiray dhowr baraha internet-ka iyo kuwa bulshada ah, oo uu ku jiray Facebook.

Dadka arrimahan cambaareeya ayaa sheegaya in awoodda teknolojiyaded ee milatariga ay sababeyso inay basaasaan shacabka ayna qorsheeyaan ficillo ka dhan ah dibadbaxayaasha.

Iyadoo tirada dhimashada ay sii kordheyso, hay’adaha difaaca sida Justice for Myanmar ayaa ku baaqaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Tatmadaw

.

.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post