876 Views

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo baaq kasoo saaray xaalada Beledweyne

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo baaq kasoo saaray xaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 13 2020–Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulkooda uu dadaal farabadan ku bixiyey sidii loga hortegi lahaa fatahaada Wabiga Shabeelle,hayeeshee ay timid awood ka tan badan.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo sidii looga hortegi lahaa Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay weli diyaar u yihiin inay hay’adaha caawiyaan balse ay muhiim tahay in la caawiyo dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor uu Hay’adaha samafalka ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin fatahaada,isla markaana wax gargaar ah aysan gaarsiin karin dadka ku barakacay deegaanka Ceel-Jaale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment