1446 Views

Midowga Yurub oo sheegay in Maxkamad uu la tagayo shirkadda AstraZeneca

Midowga Yurub oo sheegay in Maxkamad uu la tagayo shirkadda AstraZeneca
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Midowga Yurub, ayaa bilaabay tallaabo sharci ah oo ka dhan ah shirkadda dawada sameysa ee AstraZeneca, taas oo ah inay jabisay heshiisyadii qandaraaska ee keenidda tallaalka cudurka coronavirus.

Afahayeen u hadlay komishanka Yurub, ayaa sheegay in shirkaddu ay awoodi kari weyday in ay la timaaddo hab lagu kalsoonaan karo, si loo hubiyo waqtiga ugu habboon ee dawooyinka la keenayo.

Waxa uu sheegay, in tallaabada ay si buuxdo u taageereen 27 xubnood oo ka mid ah midowga Yurub. Shirkadda AstraZeneca, ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka xun tahay tallaabadaas, ayna si adag isku difaaci doonto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post