1518 Views

Madaxweynaha Turkiga oo digniin u diray Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga oo digniin u diray Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2019 —Madaxweynaha Turkiga ayaa gaashaan u daruuray hadalkii Mareyknaka ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in warbixinta la taliyaha dhanka aminga ee Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan la aqbali karin.

Mr Bolton ayaa ku sugnaa magaalada Ankara si uu Turkiga kaga xaqiijiyo badqabka dagaalyahanada Kurdiyiinta ee la dagaalamay ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib marka ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalka Suuriya.

Turkiga ayaa YPG u a aqoonsan in uu yahay urur argagixiso.

Waxa uu yiri Mareykanka ma garanaya cilaaqaadka ka dhexeeya kooxaha kala duwan ee Kurdiyiinta.

“Haddii uu Mareykanka Kurdiyiinta u arko walaalihis oo kale’ markaa aad ayay u qaldan yihiin.” Ayuu yiri Mr Erdogan

Mudane Erdogan waxa uu YPG u arkaa in ay xiriir la lee yihiin xisbiga Kurdiyiinta ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK, inkastoo YPG ay iska fogeeysay in xiriir toos uu ka dhexeeyo iyaga iyo PKK.

Saraakiisha Mareykanka waxaa lagu war galiyay in Mr Erdogan uusan la kulmi Karin Mr Bolton sabtoo ah waxaa jiray olole doorasho deegaan iyo khudbadda madaxweynaha ee baarlamaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment