777 Views

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo gudaha u galay saldhigga tababarada Harqaboobe oo ku yaalla duleedka Gurceel

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo  gudaha u galay  saldhigga tababarada Harqaboobe oo ku yaalla duleedka Gurceel
____________________________________________________________________________


Jimco: October 22, 2021

Waxaa caawa aad u kacsan xaalada magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxaana la soo warenayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen saldhigga tababarada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka Gurceel.

Ciidamada dowladda ayaa si nabad ah kula wareegay saldhigga Harqaboobe, kadib markii ay dib uga gurteen ciidamada taabacsan Ahlu-Sunna ee gacanta ku haya Gurceel.

“Degmada Gurceel waxaa caawa ka socda qax iyo kala carar, waxaana laga saarayaa dadka waayeelka ah, gaadiidka ayaa is dhaafaya xiligaan oo saq dhexe ah, qof walbana waxa ay aaday jihada ay is leedahay waad ku bad baadi kartaa,” ayuu Caasimada Online u sheegay Weriye ku sugan Gurceel.

Xaalada waxaa sii adkeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka soo ruuqaansaday fariisimihii ay ka sameysteen duleedka Gurceel, dhankooda ciidamada Ahlu-Sunna ayaa wada dhaqdhaqaaqyo xoog leh, goobjoogayaal ku sugan Gurceel ayaa soo sheegaya in magaalada ay ku dhex roondeynayaan ciidamada Ahlu-Sunna.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Cabsida dagaal ee caawa ka taagan Gurceel, waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta ay is-rasaaseyn kooban duleedka waqooyi ee magaalada ku dhex-martay ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwo uu hoggaaminayo guddoomiyihii Gurceel ugu magacaawnaa Galmudug, oo haatan dibad joog ka ah magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa caawa duleedka Gurceel ku soo bandhigay dhoola-tus, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay weeraraan Gurceel oo 1-dii bishaan October ay qabsatay Ahlu-Sunna, tan iyo maalinkii ay Ahlu-Sunna la wareegtay gacan ku heynta Gurceel, Galmudug waxay bilaawday guluf dagaal oo Gurceel ku wajahan.

Office Nairobi Kenya  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post