867 Views

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Shiray La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa.

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Shiray La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa.
____________________________________________________________________________

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta daqliga si loo dardar-galiyo mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda dalka ee Muqdisho oo ay fuliyo Maamulka Gobolka iyo dowladdo kale oo taageera.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xoojinta la dagaalanka musuq Maasuqa iyo in bulshada kunool Magaaalda Muqdisho si hufan loogu adeego, isla markaana loo fududeeyo adeegyada degmooyinka ay uga baahan yihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyan nabadda iyo horumarka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimyaasha daqliga, waxaana shir guddoomiyay kulanka inta uu socday Guddoomiye Cabdiqaadir Maxamed Maxamud.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post