1008 Views

dagaal ka dhacay Sudan iyo Ciidamada Sudan oo gaaray goobta lagu dagaalamay

dagaal ka dhacay Sudan  iyo Ciidamada Sudan oo gaaray goobta lagu dagaalamay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

Uggu yaraan labaatan qof ayaa lagu diley dagaal qabiil oo uu sababey dhul beereed, kaasoo u dhaw El Geneina, gobolka galbeedka caasimadda Sudan, sidaasi waxaa qorey wargeyska gaarka loo leeyahay ee al-Hamish.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tuulooyin dhawr ah lagubay, iyadoo dad gaaraya boqolaalna ay ku barakaceen dagaalkan. Lama sheegin magacyada qabiilada dagaalkan ku lugta leh.

Si kastaba ha ahaatee, isku dhacyada qabaa’ilada Carabta iyo kuwa aan carabta aheyn, ayaa ka noqdey wax inta badan ka dhaca gobolka.

Isku dhacyada qabaa’ilada ayaa kasii darey gobolka Darfur markii uu ka bilawdey dagaal illaa iyo bishii December ee sanadkii 2002-dii.

Qaraada Midoobay, ayaa markaa kadib u dirtey halkaasi ciidamo nabad ilaalin ah oo kasocda Midowga Africa, iyadoo markii danbe hawlgalkaasi uu dhamaadey.

Dagaaladan galaaftey boqolaalka ruux, ayaa wali sii socda, inkastoo wali ay ku jiraan xaalad deg deg ah qeybo kamid ah Darfur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post