903 Views

Wasiir Cawad oo kulamo ka wada dalka Magaalada Khartuum

Wasiir Cawad oo kulamo ka wada dalka Magaalada Khartuum
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Ahmed Ciise Cawad ayaa kulan la yeeshay Wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Suudaan Cumar Qamarudin ,waxaana ku weheliyay  danjiraha safarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq iyo xubno ka mid ah diplomaasiyiinta Safaaradda.

 

Kulankan ayaa looga wada hadlay sidii  loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirirka Soomaaliyaa iyo Suudaan ka dhexeeya.

 

 

 

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaa-shiga caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xariga Ka Jaray xarun-cusub oo ay ku shaqayn-doonto safarada Soomaaliya ay kuleedahay dalka Suudaan.

 

Wasiirka ayaa booqday dhammanba Xaafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan diplomaasiyiinta, iyadoo  Wasiirka uu ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan, sidoo kalana kula dardaarmay in ay sii laba Jibaaraan  hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda ay  guulo wayn ka gaartay sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka ay u heli lahaayen adeegyada ay kaga baahanyihiin Safaaradaha dowlada ay ku leedahay caalamka, iyagoo loogu adeegayo hannaan ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment