750 Views

Maxkamada gobolka Banaadir oo sheegtay in aysan Caddeyn Cidda eedeysay Wariye Gurbiye

Maxkamada gobolka Banaadir oo sheegtay in aysan Caddeyn Cidda eedeysay Wariye Gurbiye
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Maxkamada gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay Wariye Cabdicasiis Axmed Guriye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa kasoo horjeesatay in aysan awood u la aheyn qaadida Kiiska Wariyaha oo todobaadkii hore Qareenada Wariyaha u dooday ay ku sameeyeen is horistaag.

Waxa ay Maxkamadu sheegtay in ay Kiiska Mar kale dib u dhigtay.

Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan caddeyn Cidda soo eedeysay Wariyaha, islamarkaana looga baahan yahay xeerilaalinta in ay soo caddeeyaan.

Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in xeerilaalinta habka ay dacwadda u soo qoreen in aysan waafaqsaneyn xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kalena aysan ku cadeyn waxa loo heysto wariyaha.

Qaar ka mid ah Ururada Saxaafadda ayaa sheegay in ay soo dhaweeyaan go’aanka Garsooraha laakiin dalbanayaan in Kiiska Wariyaha uusan noqon ila meerayso.

14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Cabdicaasii ayaa maalmo ka dib damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post