2604 Views

Dhaqtarkii Mareykanka ka saaciday dilkii Usama Bin Laden oo la geeyay xabsi qarsoodi ah

Dhaqtarkii Mareykanka ka saaciday dilkii Usama Bin Laden oo la geeyay xabsi qarsoodi ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 – Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Dhaqtarkii Hay’adda CIA-da Mareykanka ka gacansiiyay dilka Usama Bin Laden laga bixiyay Xabsi ku yaalla Gobolka Peshawar ee dalka Pakisan lana geeyay meel amaan ah.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Pakistan ayaa ehelka Dr Shakil Afridi, u sheegay in laga saaray Xabsiga dhexe ee Peshawar dowladduna ay geysay meel amaan ah oo aanay naftiisa qatar ku galayn.

Shakil Afridi,waxaa lagu xukumay 33 Sano oo Xabsi ah,waxaana uu u xiranyahay dowladda Pakistan oo ku eedeysay in uu sirdoon shisheeye kala shaqeeyay dilka Usama Bin Laden oo gudaha Pakistan joogay.

Dowladda Pakistan waxaa ay sheegtay in Dhaqtarka naftiisa ay ugala cabsatay Ururka Daalibaan oo ku xooggan Gobolka Peshawar ee Waqooyiga Pakistan,sidaas darteedna Hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI ay ku heyso xabsi qarsoodi ah oo ka baxsan Gobolka.

Jamil Afridi, oo ah Nin la dhashay Dhaqtarka ayaa sheegay in dowladda ay ku wargelisay in walaalkii laga kaxeeyay Xabsiga dhexee Peshawar lana geeyay goob ay dowladda amaankeeda gacanta ku heyso.

Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxaa ay Bishii May ee 2011ku dileen Usama Bin laden Magaalada  Abbottabad,halkaas oo uu fududeeyay Dr Shakil Afridi oo ka mid ahaa shaqaalaha Caafimaadka ee ka hortagga Cudurka Dabeysha.

 

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment