1152 Views

Wasiir Caadle: “Qandaraaska biyo xireenka waxaa la bixiyay waqti uu wabiga fatahay”.

Wasiir Caadle: “Qandaraaska biyo xireenka waxaa la bixiyay waqti uu wabiga fatahay”.
____________________________________________________________________________

Wasiirka arrimaha Gudaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ay qaadeyso mas’uuliyadda gaabiska mashruuca horumarinta iyo wax ka qabashada fatahaadaha Dowlad-Goboleedkaas.

Caadle waxa uu tilmaamay in xiligii loo qorsheeyay fulinta mashruucaas laga dib dhacay balse markii Wabiga uu karkaarada jabsadayna qandaraaskaas ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka.

“Mashruuca wax ka qabashada Fatahaadaha DG Hir-Shabeelle gaabiska ku yimid waxaa iska leh Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, qandaraaska waxaa la bixiyay xili uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle dabcan meel wax laga qaban karo lama joogo, balse xalka loo baahan yahay waa in biyaha la xakameeyo kadibna lagu dhaqaaqo mashruuca” ayuu yiri Wasiir Caadle.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Isniintii tagay goobo la dhigay jawaano & carro tuur looga hortagayo fatahaad horleh uu sameeyo Wabiga Shabeelle ayaa dalbaday in laga qaybgalo badbaadinta Magaalada Jowhar.

DG Hir-Shabeelle ayaa labo jeer soo bandhigay May 2021 Cabasho la xiriirta in aysan helin taageero dhaqaale oo ay ka sugayaan Xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble balse howshaas ay ka socon weysay Wasaaradda Maaliyadda Federaalka.

Guddiga ah uu magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen waxa uu si cad u sheegay in uu gacan maran yahay maadaama aanay helin dhaqaale ay ka sugayeen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo aan soo gaarin.

Warbixin kasoo baxday Guddiga uu magacaabo Madaxweyne Guudlaawe waxaa lagu sheegay in kumanaan qoys ay isaga barakaceen Tuulooyinkii ay degenaayeen, Dhul beereed baaxad weyn oo biyaha qarqiyay & waddooyinka oo go’ay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post