981 Views

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Khardho

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Khardho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Khardho ee Xarunta gobolka Karkaar Puntland, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

 

U jeedada wafdiga ee Magaalada Khardho ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu tababar u furi doono in ka badan 500 oo askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.

 

Madaxweyne Deni ayaa inta uu magaalada Qardho joogo, waxa uu kulamo  la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka degmada,isaga oo sidoo kale kormeer ku tegi doono Xarumo ku yaalla Magaaladaas.

 

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni uu markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay uu  tegi doona degmooyin ka tirsan gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland.

 

Ammaanka Magaalada Khardho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana lagu arayay Ciidamo katirsan kuwa Puntland oo amaanka xaqiijinaya,kuwaas oo taagan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Khardho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment